WARAR

RW Rooble oo Isimada & Bulshada Rayidka Puntland kala hadlay doorka ay ka qaadan karaan Doorashada 20/21.

Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa hoygooda ugu tagay Islaam Ciise Islaam Maxamed & Garaad Saleebaan Garaad Maxamed oo hoggaanka dhaqanka deegaannada DG Puntland.

Image may contain: 4 people, people standing and outdoor

Waxa ay iska xog-wareysteen xaaladda dalka, kaalinta Odoyaasha dhaqanka ay ku leeyihiin howlaha geedi socodka ee waqtiga kala guurka, dhismaha Dowladda & isu soo dhaweynta dhinacyada aragtida siyaasadeed ku kala fogaaday.

Image may contain: 2 people, people sitting

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa madax dhaqameedyada uu la kulmay ka dhageystay talooyinka ku aaddan habka loo mari karo dhismaha Dowladnimada & sida loo wajahayo arrimaha muhiimka u ah Mustaqbalka Dalka.

Image may contain: 3 people, table and indoor

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya waxa uu fadhi la yeeshay Ururada Bulshada Rayidka ee Puntland, dhankooda waxa uu u gudbiyay fariinta Xukuumadda ee Doorashada & kulamada Madax Goboleedyada uu bilaabay si loo dedejiyo Doorashada 20/21.

Image may contain: 3 people, suit

Guddoomiyaha Ururada Bulshada Rayidka ayaa sheegay in kulankaan uu ahaa fadhigii labaad oo ay la yeesheen Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya oo horay ku qaabilay Magaalada Muqdisho.

Image may contain: 2 people, people sitting

Waxa uu soo jeediyay in xal nabadeed laga gaaro guuxa siyaasadeed ee ka dhashay hab maamulka Doorashada 20/21 gaar ahaan Guddiga fulinaya oo la sheegay in lagu biiriyay xubno katirsan Nabadsugidda & Madaxtooyada.

Related Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

%d bloggers like this: