Monday, May 29, 2023
HomeUncategorisedMaxay tahay tallaabada Turkigu qaaday ee ay qoonsadeen Midowga Musharixiinta?

Maxay tahay tallaabada Turkigu qaaday ee ay qoonsadeen Midowga Musharixiinta?

Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha ayaa ugu baaqay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya inuu dhex dhexaad ka noqdo arrimaha la xiriira doorashada Soomaaliya, iyagoo sheegay inay ka xun yihiin in Safiirka uu taageero iyo boggaadin u muujiyo Guddiga doorashada heer Federaal ee lagu muransan yahay.

War saxaafadeed ka soo baxay Midowga Murashaxiinta Madaxweynaha ayaa lagu sheegay inay is burinayaan boggaadinta Safiirka ee guddiga ay ku tilmaameen sharci darada iyo war murtiyeedki ka soo baxay Beesha Caalamka, kaasoo tilmaamaya in guddiga uu hal dhinac yahay oo aan soo buuxin shuruudihii heshiiska.

Safiirka Turkiga Mehmet Yilmaz ayaa shalay Xarunta Safaaradda Turkey ee Muqdisho ku qaabilay Guddoomiyaha Guddiga lagu muransan yahay ee doorashada heer Federaal Maxamed Xasan Cirro.

Waa war saxaafadeedkii labaad oo muddo 24 saac gudahood Midowga Musharaxiinta ka soo saaraan Turkiga, iyadoo war saxaafadeed shalay ku qornaa afka Ingiriiska loogu baaqay in aanay hub siin ciidamada ay tababarto ee loo yaqaan Haramcad.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments