Saturday, June 10, 2023
HomeUncategorisedAl-Shabaab oo sheegatay in ay weerar ku qabatay Mas’uul katirsan Dowladda Kenya.

Al-Shabaab oo sheegatay in ay weerar ku qabatay Mas’uul katirsan Dowladda Kenya.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in ay weerartay Deegaanno hoostaga Ismaamulka Wajeer dhulka Soomaalida Kenya maamusho, waxaana ka dhashay iska hor imaadkaas khasaare kala duwan sida ay hadalka u dhigtay.

Weerarka ayay sheegtay Al-Shabaab in ay ku qabsatay Saldhigyo Ciidan, kadib markii Askarta kenyanka ah ay isaga baxeen, waxaana ay tilmaamtay in gacantooda uu soo galay Guddoomiyaha Deegaanka Gummarey.

Shabaab sooma bandhigin Sawirka Guddoomiyaha ay qabteen & magaciisa, balse Ciidankii la socday ay isaga baxeen Deegaankaan iyaga oo ruqaansaday dhanka Qorof Xarar ee hoostagta Wajeer.

Dhanka Kenya kama aysan hadlin Sheegashada Al-Shabaab iyo weearka ay ka dhacay Deegaannada hoostaga Wajeer, haseyeeshee saraakiisha ammanka dalkaas ayaa dhawaan soosaartay digniin la xiriirta weeraro Shabaab ay ka fulin karto Gudaha dalkaas.

Saraakiisha ayaa sababta suuragalka ka dhigeysa weerarkaas ku sifeeyay in 40-ruux oo katirsan Al-Shabaab ay ka gudbeen Xadka Soomaaliya & Kenya, ujeedkooda ugu weyn uu yahay sidii ay weeraro u fulin lahaayeen sida ay hadalka u dhigeen.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments