Dalka Jabuuti waxaa maanta lagu ballansan yahay in uu ka furmo Shir Madaxeedka Urur Goboleedka IGAD oo looga hadlayo Xaaladda Soomaaliya & Kenya, Colaadda Ismaamulka Tigray & Covid-19.
Madaxda ka qaybgaleysa kulanka ayaa khudbad jeedin la siinayaa si ay uga hadlaan qodobada miiska saaran sida Mustaqbal ay u xaqiijiyeen ilo xog ogaal ah oo ku dhaw Shirka, waxaana barbar soconaya kulamo gaar gaar ah oo u dhaxeeya Mas’uuliyiinta kala duwan.
Madaxweynaha DFS Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo gelinkii dambe shalay gaaray Jabuuti ayaa kulamo hordhac ah la qaatay Madaxda dalkaas, halka maanta uu qaabiyo mas’uuliyiin kale.
Xiriirka Soomaaliya & Kenya ayaa hoos u dhacay, Dowladda Federaalka ayaa qaadatay go’aan diblumaasi, halka labada dal ay qarka u saaran yihiin in Ciidankoodu dagaal uu ku dhexmaro inta u dhaxeysa Mandheera & Balad Xaawo.
DFS ayaa ku doodeysa in Kenya ay faragelin joogta ah ku heyso Madaxbannaanida Siyaasadeed, Dhuleed & sharafta Jamhuuriyadda Soomaaliya, kadib markii ay qaaday falal liddi ku ah sida ay hadalka u dhigtay.
Haddaba, Urur Goboleedka IGAD xal maka gaari karaa daminta Xiisadda siyaasadeed ee Dowladaha Soomaaliya & Kenya?
Xukuumadda Soomaaliya oo Kenya ku eedeysay abaabulka Jabhad ka dhan ah Ciidanka XDS.