Dowladda Uganda ayaa xaqiijisay geerida 26-ruux oo ah dhammaantood ah dad la socday Doon ku rogmatay oo mareysay Harada Albert ee ku taal Xadka Uganda iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Koongo (DRC).
Dabayl Xooggan ayaa sababtay in doontu ay quusto, waxaana adkaatay in gurmad degdeg ah la siiyo si loo badbaado sida uu sheegay sarkaal u hadlay Dowladda Uganda oo xogta doonta siiyay Wararka AFP.
Qaar kamid ah dadka la socday Doonta oo xeelado kala duwan isticmaalay waxaa u tagay kooxaha gurmadka degdega ah oo ugu dambeyn bannaanka usoo saaray si looga saaro biyo ay cabbeen inta ay ku howlanayeen xaaladda isbad-baadinta ah.
Saraakiil kale oo katirsan Dowladda Uganda ayaa sababta shilkaan waxa ay ku sheegeen in xiliga kirismiska oo dadka fasax ay galeen ay isugu tageen meelaha dalxiiska si ay u damaashaad tagaan.
Kooxda badbaada ayaa dhankooda soosaartay Warbixin digniin ah oo dadka looga reebayo ku safarka Harooyinka waaweyn, sabab la xiriirta isbadaka cimilada oo sababtay in dabaylo xooggan ay kacaan.
Dhalashada dadka dhintay iyo kuwa la badbaadiyay waa Uganda & Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Koongo (Congo), sida sheegeen saraakiisha ka qaybgashay samatabixinta dadkaan.