Saturday, June 10, 2023
HomeUncategorisedKoox hubeysan oo Muqdisho ku dishay Nabadoon Cabdi Siyaad Geedi.

Koox hubeysan oo Muqdisho ku dishay Nabadoon Cabdi Siyaad Geedi.

Koox hubeysan ayaa maanta Degmada Dayniile ku dishay Nabadoon Macalin Cabdi Siyaad Geedi oo kamid ah Ergada wax kasoo dooratay Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka 10-aad ee Soomaaliya.

Dilka ayaa ka dhacay Suuqa Ariga lagu iibiyo ee Degmada Dayniile ee Magaalada Muqdisho, waxaana baxsatay kooxda toogatay Nabadoon Cabdi Siyaad sida Mustaqbal ay u xaqiijiyeen dad deegaanka.

Ciidamada ammaanka Dowladda Federaalka oo saldhig ku leh meel aan sidaas uga fogeyn Suuqa ayaa goobta tagay, waxa ay xireen agagaarka halka dilka uu dhacay, waxaana ay ku dhaqaaqeen howlgal ay ku raadinayaan kooxda dilka geysatay oo baxsatay.

Maamulka Degmada Dayniile oo ah meesha dilka uu dhacay & Taliska Booliiska Soomaaliyeed wali kama aysan hadlin, waxaana socda baaris ay wadaan laamaha ammaanka Dowladda Federaalka.

Ilaa haatan ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda dilkaan, waxaana horay toogasho loo geystay Ergada soo dooratay Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya u dusha u saaratay Al-Shabaab.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments