Monday, June 5, 2023
HomeUncategorised“Qarashka ku baxaya Doorashada waxaa ka shaqeynaya DFS & Beesha Caalamka” Wasiir...

“Qarashka ku baxaya Doorashada waxaa ka shaqeynaya DFS & Beesha Caalamka” Wasiir Bayle.

Wasiirka Maaliyadda XFS Cabdiraxmaan Ducaale Bayle oo la hadlay Warbaahinta Dowladda ayaa faah-faahiyay doodda la xiriirta hab maamulka miisaaniyadda ku baxeysa Doorashada Soomaaliya.

Bayle ayaa sheegay Hantida Dowladda ay ka madaxbannaan tahay tan shaqsigaas, sidaas awgeed waxa uu meesha ka saaray welwelka shaqsiyaadka qaar ay ka muujnayaan in dhaqaalaha qaranka lagu bixiyo loolanka Dorashada.

“Wasaaradda Maaliyadda ayaa u xilsaaran ilaalinta hantida Dowladda ay ku shaqeyso, waxaa ka reeban in si qaldan loo adeegsado ama loo isticmaalo Doorashada” Sidaasi waxaa yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya.

Lacagta ku baxeysa Doorashada waxa uu ku tilmaamay Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya mid ay kawada shaqeynayaan Dowladda Federaalka & Beesha Caalamka, sidii loo saldhigi lahaa labada dhinac ay fadhi ka leeyihiin 27-ka December 2020 oo berri ku beegan.

Qiimeynta lacagta waxa uu si hordhac u sii sheegay in lagu qiimeeyay $40 Milyan oo doollar, saami ahaan Dowladda Federaalka ay bixineyso 10% oo ah $4 Milyan oo Doollar oo ku xusan Miisaaniyadda 2021 sida uu hadalka u dhigay.

Howlaha lacagtaas loo qoondeeyay ayaa kala ah: Safarada Guddiyada Doorashada Heer Federaal & heer Dowlad Goboleed, Goobaha ay degayaan xubnaha Guddiga, Xafiisyada shaqada, Tababarada Ergada & Gunooyinka howlwadeenada.

 “Ma jiri doonto lacag aan intaas ahayn in loo istcimaalo doorashada, mana dhici karto, wasiirku xitaa qasnadda Dowladda lacag kama saari karo hannaanka maaliyadeed ee Dalka baa diidaya” Sidaasi waxaa yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Xildhibaan Cabdiraxmaan Ducaale Bayle.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments