Sunday, March 26, 2023
HomeUncategorisedGuddiga Doorashooyinka heer Federaal oo shaaciyay Jadwalka Doorashada Aqalka Sare iyo Golaha...

Guddiga Doorashooyinka heer Federaal oo shaaciyay Jadwalka Doorashada Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka!

Guddiga Doorashooyinka heer Federaal ayaa shaaciyay jadwalka doorashada Soomaaliya ee sanadka 2020-21, gaar ahaan doorashada Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya.

Guddiga Jadwalka soo saaray oo aan wali heshiis lagu aheyn, ayaa qoraalkooda ku sheegay 26-ka bishan December, iyaga oo fursad lix cisho ah siiyey sidii ay madaxda maamulada dalka kusoo saari lahaayeen liiska musharaxiinta, taasi oo ku eeg isla 29-ka bishan.

Hoos ka akhriso jadwalka oo dhameysitiranGolaha midowga musharixiinta dalka ayaa siweyn uga soo horjeeda hannaanka ay dowladda Soomaaliya u mareyso doorashooyinka dalka, waxaana ay ku eedeeyeen in ay soo magacaawday guddiyo doorasho oo isugu jira shaqaale dowladeed iyo xubno ka tirsan NISA.

Gudoomiyaha aqalka Sare, maamuladda Jubbaland iyo Puntland ayaa ka digay in la socodsiiyo doorashada oo aan wali heshiis rasmi ah laga gaarin, waxaana muuqata in guddiga lagu muransanyahay uu sii wato arimaha la xiriira doorashooyinka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments