WARAR

XFS oo maanta Beesha Caalamka kala garrameysa lacagta ku baxeysa Doorashada.

Maanta oo Axad ah kuna beegan 27-ka December 2020 waxaa Magaalada Muqdisho ka dhacaya kulan looga hadlayo lacagta ku baxeysa Doorashada 20/21 Sida uu shaaciyay Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle.

Lacagta ku baxeysa Doorashada waxa ay Xukuumaddu ku sheegtay in ay dhan tahay $40 Milyan oo Doollar, kaliya lacagtaas saami ahaan ay ka bixineyso lacag dhan $4 Milyan oo dollar, halka Beesha Caalamka laga doonayo in ay dhammeystirto.

Xukuumadda ayaa diyaarisay qorshe siyaasadeed ay ku raadineyso dhaqaalaha lacageed ee ku baxaya doorashada Soomaaliya si xubnaha Beesha Caalamka oo ay la garramayaan uga hesho ballanqaadka taageerada ay uga baahan tahay.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle oo si hordhac ah uga hadlay lacagtaas ayaa sheegay in loo adeegsanayo Safarada Guddiyada Doorashada Heer Federaal & heer Dowlad Goboleed, Goobaha ay degayaan xubnaha Guddiga, Xafiisyada shaqada, Tababarada Ergada & Gunooyinka howlwadeenada.

Beesha Caalamka ayaa soo bandhigay qorshaha Taageerada Soomaaliya kadib markii khudbado kala duwan ay ka jeediyeen wakiilo ka kala socota Shirka Madasha Soomaaliya & Saaxiibada Caalamka ee dhacay 7-da December 2020.

Related Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

%d bloggers like this: