Sunday, March 26, 2023
HomeUncategorisedXukuumadda maka go’an tahay qancinta dadka saluugsan Guddiga Doorashada 20/21?

Xukuumadda maka go’an tahay qancinta dadka saluugsan Guddiga Doorashada 20/21?

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa 25-kii November 2020 waxa uu sheegay in uu la fadhiisanayo Musharixiinta Cabashada ka qabta Guddiga Doorashada 20/21.

Rooble oo sheegay in mas’uuliyad culus ay saaran tahay Xukuumaddiisa, sidaas awgeed uu diyaar u yahay in uu raadiyo qof waliba oo cabasho ka qabta si uu u fahamsiiyo guddiga & micnaha uu u leeyahay dhismaha Dowladda cusub ee 4-ta sano soo socota.

“Xilka in la qaado waa mas’uuliyad culus, waxaa jira Rag walaalahey ah oo aan si fiican u garanayo oo musharixiin ah oo cabasho ka keenay Guddiyada doorashada, waxa aan diyaar u ahay in aan kala fadhiisto si aan uga qanciyo tabashadooda” Sidaasi waxaa yiri RW Rooble.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya oo aan tallaab la xiriirta fulinta ballantaas qaadin waxaa xigay in Mahdi Maxamed Guuleed Qadar oo ah ku xigeenkiisa uu 15-kii December 2020 sheegay in Xukuumadda ay la fadhiisaneyso dadka ka cabanaya xubnaha Guddiga.

Wixii ka dambeeyay maalintaas wax dhaq-dhaqaaq ah oo la xiriira fulinta la kulmidda Musharixiinta tabashada ka keentay Guddiga maamulaya Doorashada 20/21 ma jirin, hadalkaas ayaa u muuqda in halkii lagu sheegay looga tagay.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa markale 27-kii December 2020 waxa uu ku celiyay in uu diyaar u yahay qancinta Musharixiinta cabashada ka ah Guddiga kala dhiman ee Doorashada.

Maxamed Xuseen Rooble ayaa tilmaamay in uu diyaar u yahay la kulmidda qof waliba oo cabasho ka ah hab maamulka Doorasho si looga gudbo caqabadda hortaagan sida uu hadalka u dhigay.

Shacabka ayuu ugu baaqay in ay is dejiyaan, waxaana uu u ballanqaaday in isaga oo mas’uul ka ah Doorashada ay u dhici doonto si isla ogol ah, isla markaana xafiiskiisa uu u furan yahay la garramidda dadka wax sheeganaya.

Ururada Bulshada Rayidka ayaa ku howlan dhexdhexaadinta Musharixiinta & Xukuumadda oo ku kala aragti fogaaday hab maamulka Doorashada 20/21, waxaana xareysan guddi metalaya DG Hir-Shabeelle, Galmudug, Koofur Galbeed & Somaliland, halka shuruud ay ku xireen DG Puntland & Jubbaland soo gudbinta Guddiga wakiilka ka ah.

Haddaba, Xukuumadda Soomaaliya maka go’an tahay qancinta dadka saluugsan Guddiga Doorashada 20/21?

“Waxa aan diyaar u ahay in Musharixiinta aan kala fadhiisto Cabashadooda Guddiga Doorashada” RW Rooble.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments