Saturday, March 25, 2023
HomeUncategorisedGuddiga kala dhiman ee Doorashooyinka oo diyaariyay Goobaha Doorashada.

Guddiga kala dhiman ee Doorashooyinka oo diyaariyay Goobaha Doorashada.

Guddiga kala dhiman ee Hirgelinta Doorashooyinka heer Federaal & xubno katirsan Guddiga Amniga Doorashooyinka qaabilsan ayaa kormeeray Xarunta Gaadiidka Booliiska oo ay qorsheeyeen in ay ku qabtaan Doorashada kuraasta Gobollada Waqooyi & Banaadir.

 

Xubnaha Guddiga ayaa u muuqda in aysan ku dedaalayaan dardar gelinta tallaabooyinka loo qaadayo doorashada muranka ka taagan, maadaama ay xoojiyeen dhoolatuska ay isu muujinayaan.

 

Guddiga ayaa ku adkeysanaya dhaqangelinta Jadwalkooda cusub, xili Ra’iisul Wasaaradaha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble uu sheegay in Xukuumaddiisu diyaar u tahay in xaliso cabashada xubnaha qaar ee Gudiga ku jira.

Hadalkaas Ra’iisul Wasaare Rooble & dhaq-dhaqaaqa Guddiga kala dhiman ee Doorashooyinka ayaa muujinaya in uusan caga badan ku taagneen go’aankaas, maadaama cabashada oo taagan uu Guddiga sii wato howshiisa.

Xarunta Gaadiidka Booliiska waxaa lagu qabanayaa Doorashada Kuraasta labada Aqal ee Gobollada Waqooyi oo muran uu ka taagan yahay Guddiga Xukuumadda ay u magacawday, kadib markii Guddoomiye Cabdi Xaashi uu ka yimid xubnahaas & Gobolka Banaadir.

Haddaba, Xukuumadda Soomaaliya maka go’an tahay xal ka gaarista cabashada ka timid hab dhismeedka Guddiga kala dhiman ee Doorashooyinka heer Federaal?

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments