WARAR

Xildhibaan hore Siyaasi Muxudiin Xasan Afrax oo ka badbaaday qarax lagula eegtay Muqdisho.

Sawir hore kama turjumayo qaraxa maanta dhacay.

Xildhibaan hore Siyaasi Muxudiin Xasan Afrax, ayaa ka bad baaday qarax maanta oo talaadaa lagula eegtay degmada Karaan ee magaaladda Muqdisho, xilli  uu marayay agagaarka Garoonka Kubadda Cagta ee Qoobdooro.

Qaraxa oo ahaa miinada nuuca dhulka lagu aaso, ayaa waxaa ku dhintay mid ka mid ah askartii waardiyaha u aheed xildhibaan hore Siyaasi Muxudiin Xasan Afrax oo bartilmaameedku ahaa sida ay sheegeen laamaha amaanka Soomaaliya oo goobta gaaray.

Xildhibaanka ayaa la sheegay in uusan la socon gaariga qaraxa lala eegtay balse ay ka dhasheen dhimashada hal askari iyo dhaawaca tiro kale.

Xildhibaan hore Siyaasi Muxudiin Xasan Afrax.

Ciidamo ka tirsan Booliska degmada Kaaraan aya tagay halka uu qaraxa ka dhacay, iyaga oo goobta ka qaaday meydka askariga iyo kuwa dhaawacmay, waxana sidoo kale la sheegay in ay sameeyeen howlgal dad lagu qabqabtay.

Magaalada muqdisho ayaa waxaa mararka qaar ka dhaca qaraxyada miino ee dhulka lagu Aaso ama kuwa Gawaarida lagu xiro, kuwaas oo inta badan lala beegsado dadka mas’uuliyiinta ah, hayeeshee maalmihii la soo dhaafay waxaa magaaladda Muqdisho laga soo warinayay falal amni daro.

Related Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

%d bloggers like this: