WARAR

Banaanbax ka dhacay Magaalada laas-Caanood

Wararka naga soo gaaraya Magaalada laas-Caanood ee Xarunta gobolka Sool ayaa waxaa ay sheegayan in saaka halkaasi uu ka dhacay banaanbax ay dhigayeen qaar kamid ah bulshada ku nool Magaaladaas.

Dadka banaanbaxa dhigayay oo isugu jiray haween iyo Dhalinyaro ayaa waxaa ay banaanbaxa uga soo horjeedeen diidmada lacagta shillinka Soomaaliga oo maalmihii la soo dhaafay ka taagneyd Magaalada laas-Caanood.

Banaanbaxayaasha ayaa isugu soo baxay wadooyinka waaweyn ee Magaalada laas-caanood, iyaga oo ku dhawaaqayay Erayo ay ku dalbanayaan in aan la diidin lacagta Shillinka Soomaaliga, iyada oo inta badan Suuqyada Magaalada laas-Canood ay xiran yihiin.

Qaar kamid ah dadka banaanbaxa dhigayay oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxaa ay ugu baaqeen xukuumadda Soomaaliland oo maamusha Magaalada laas-canood inay arrintaasi wax ka qabtaan.

Malmihii la soo dhaafay ayaa degaano iyo degmooyin badan oo ka tirsan puntland waxaa laga diidayay isticmaalka lacagta Shillinka Soomaaliga, iyada oo diidmadaas ay ka dhasheen banaanbaxyo rabshado watay oo ka dhacay meelo ay kamid tahay Caasimada Puntland ee Magaalada Garoowe.

    

Related Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

%d bloggers like this: