Saturday, June 25, 2022
HomeUncategorisedDowladda Soomaaliya oo Puntland ku wareejisay Ciidamo ay u tababartay

Dowladda Soomaaliya oo Puntland ku wareejisay Ciidamo ay u tababartay

Taliyaha Ciidamada  Booliska maamulka Puntland S/guuto Cabdi Xasan Xuseen (Cabdi Yare) ayaa maanta Garoonka Diyaaradaha Magaalada Garoowe kusoo dhaweeyay cutubkii u horeeyay ee Booliska Puntland gaar ahaan laanta taraafikadda oo tababar socday 5 bilood ku qaatay magaalada Muqdisho..

Taliye  Cabdi Xasan Xuseen (Cabdi Yare) ayaa sheegay ciidamadani door weyn ay ka qaadan doonaan dib u dhiska iyo tayaynta Ciidamada Booliska iyo shaqada sugida amniga gaar ahaan hagida gadiidka isticmaala gudaha magaalooyinka oo dhibaatooyin badan ka jiri jirtay.

Wuxuu Taliyuhu u mahadceliyay Taliska Booliska Dowladda Federaalka Soomaaliya oo qeyb weyn ku lahaa in muddo 5 bilood ay ay Ciidamadaas tababarka ku qaataan Magaalada muqdisho

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments