Monday, May 29, 2023
HomeUncategorisedMaxay kawada hadleen Midowga Musharixiinta, Axmed Madoobe & Cabdi Xaashi?

Maxay kawada hadleen Midowga Musharixiinta, Axmed Madoobe & Cabdi Xaashi?

Xubno katirsan Midowga Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya 2021, Madaxweynaha DG Puntland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe), Guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Xildhibaanno & Senataro kasoo kala jeeda Jubbaland & Somaliland ayaa kulan gaar ah ku yeeshay Magaalada Garoowe.

Image may contain: 2 people, people sitting, shoes, beard and living room

Kulanka waxa ay uga xaajoodeen qaylo dhaanta ay ka qabaan hab maamulka Guddiga Doorashooyinka Gobollada Waqooyi & Ciidamada Dowladda Federaalka ay geysay Gobolka Gedo, waana labada qodob ee ugu weyn oo ay ku doodayaan xubnaha mucaaradsan qorshaha Doorashada.

Image may contain: 3 people, people sitting

Ridwaan Xirsi Maxamed, Ra’iisul Wasaare ku xigeenkii hore ee Dalka ahna Afhayeenka Midowga Murashixiinta Madaxweynaha Soomaaliya oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dhinacyadaan kala duwan ay kulmisay duruufta ka dhalatay Doorashada.

Image may contain: 4 people, people sitting, shoes, living room and indoor

Dhanka kale, Ridwaan waxa uu sheegay in welwelka ugu weyn ay muujiyeen dhinacyadaan kasoo jeeda Somaliland & Jubbaland ee Garoowe ku kulmay ay tahay hab maamulka Guddiga Doorashooyinka Gobollada Waqooyi & Ciidamada Dowladda ay ku heyso Gobolka Gedo.

Image may contain: 3 people, people sitting, table and indoor

Ridwaan waxa uu tilmaamay in haddii aan la helin mas’uuliyad dhab ah rajada ummadda Soomaaliyeed meel dheer kasii dhaceyso, balse haatan dooddu ay taagan tahay meel wax laga qaban karo waa haddii Cabdi Xaashi looga dambeeyo Gobollada Waqooyi & Axmed Madoobe oo loo madaxbanneeyo Doorashada, halka Madaxweynaha laga doonayo qabashada Doorashada.

Dhowr jeer ayay dhinacyada mucaaradsan hab maamulka Doorashada ee Dowladda Federaalka soo jeediyeen qodobo dhowr ah sida in Guddoomiyaha Aqalka sare loo daayo Guddiga Doorashada, Gedo oo laga soo qaado Ciidanka, Guddiga kala dhiman oo laga saaro xubnaha katirsan Nabadsugidda & madaxtooyada iyo kuwo kale.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments