WARAR

Madaxweyne Farmaajo oo Saxiixay Miisaaniyadda 2021

Madaxweynaha DFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saxiixay Miisaaniyadda Dowladda ay ku shaqeyneyso 2021 oo dhawaan uu ansixiyay Golaha Shacabka BFS.

Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya kadib saxiixidda ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu bogaadiyay meelmarinta Baarlamaanka Federaalka ee Miisaaniyadda todobaadkaan.

Madaxweynaha ayaa boggaadiyey Xildhibaannada Golaha Shacabka sida xilkasnimada leh ee ay u guteen waajibaadka dastuuriga ah ee kaga aaddanaa Miisaaniyadda cusub ee dalka oo la kordhiyey, iyaga oo ku ansixiyey cod aqlabiyad leh” ayaa lagu yiri qoraalka Villa Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Wasaaradda Maaliyadda XFS ku amaanay sida degdega ah oo ay u diyaarisay Miisaaniyadda uguna gudbisay Aqalka BFS oo ka doodis kadib u codeeyay una gudbay Madaxweynaha oo ugu dambeyn saxiixay.

“Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo khubarada dhaqaalaha Soomaaliyeed diyaarinta iyo jaangoynta miisaaniyad ka turjumeysa baahida ay qabaan shacabka Soomaaliyeed” waxaa sidaasi lagu yiri Qoraalka Madaxtooyada.

“Madaxweyne Farmaajo oo dul-istaagay kororka miisaaniyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faray Xukuumadda in ay xoogga saarto dardargelinta adeegyada bulshada, kobcinta fursadaha shaqo ee dhallinyarada iyo xaqiijinta mushaaraadka shaqaalaha Dowladda iyo Ciidamada Qalabka Sida” ayaa lagu soo gunaanaday warka kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya.

Miisaaniyadda Dowladda waxaa qayb ka ah lacag loo qorsheeyay in lagu qabto Doorashada Soomaaliya oo ilaa haatan aan lagu dhaqaaqin marka la reebo guddiga kala dhiman oo ay Xukumaaddu xareysay, waxaana lacag ku kabaya waa Doorashadee Beesha Caalamka sida uu dhawaan sheegay Wasiir Bayle.

Related Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

%d bloggers like this: