Muddo laba sano ah ayaa waxaa loogu kordhiyay Ciidamada Midowga Yurub howlgalka ay ka wadaan Biyaha Soomaaliya , iyada oo Go’aankaas ay dhaqan geliyeen Golaha Midowga Yurub.
Warbixin kasoo baxday Golaha Midowga Yurub ayaa waxaa lagu sheegay in Ciidamadooda ay Biyaha Soomaaliya sii joogi doonaan ilaa 31ka Diseembar 2022, iyada oo Ciidamada la faray waajibaad Cusub.
Warbixinta ayaa sidoo kale lagu cadeeyay in Ciidamada ay qaban doonaan Shaqooyin ay kamid yihiin, la dagaalanka kalluumaysiga sharci darrada ah, daroogada, hubka iyo ka ganacsiga dhuxusha.
Sanadkii hore ee 2020 Warbixin kasoo baxday guddi katirsan qaramada Midoobay ayaa waxaa lagu sheegay in gacanta Cadan uu kamid yahay marinada waaweyn ee lasoo marsiiyo hubka sharci darrada ah ee soo gala Soomaaliya.
Howlgalka Midowga Yurub ee Biyaha Soomaaliya ayaa bilaawday markii Xeebaha Soomaaliya ay kusoo kordheyn Kooxaha Burcad Badeeda Soomaalida, in kastoo Sanadihii la soo dhaafay ay aad u yaraadeen.