WARAR

Qaraxyo ka dhacay degaanka Bacaadweyne ee Gobolka Mudug

Warar dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan qaraxyo geystay khasaaro hantiyadeed oo xalay ka dhacay degaanka Bacaadweyne ee Gobolka Mudug ee dowlad goboleedka Galmudug.

Qaraxyada oo labo ahaa ayaa waxaa la sheegay inay ahaayeen kuwo lagu burburiyay Ceel-Biyood ku yaal duleedka degaanka Bacaadweyne, isla markaana falkaasi ay ka dambeeyeen Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay ku warrameen in Ceelka ay Al-Shabaab ku xireen qaraxyo miino, sidaasina uu ku burburay, waxaana Ceelkaas Biyaha ka cabi jiray dadka ku nool tuulooyinka u dhow dhow degaanka Bacaadweyne.

Lama oga sababaha keenay in Al-Shabaab ay Ceelka qaraxyada ku burburiyaan, hayeeshee waxaa xusid mudan in degaanka Bacaadweyne uu dhowr jeer ka dhacay dagaal geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah, kaas oo u dhaxeeyay dadka degaanka & Al-Sahbaab.

Madaxda Sare ee Galmudug & laamaha Amniga Maamulkaas weli kama hadlin falkaasi Al-Shabaab ay Ceel biyood ku burburiyeen, waxaana dadka degaanka qaarkood ay sheegeen inay cabsi soo wajahday.

Related Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

%d bloggers like this: