WARAR

Suuqyada Garoowe oo markale laga diiday lacagta Shillin Soomaaliga

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ayaa waxaa ay sheegayaan in maanta markale suuqayda Magaaladaas laga diiday isticmaalka lacagta Shillinka Soomaaliga.

Ganacsada ayaa qaarkood waxaa ay ku sheegeen sababta ay u diideen isticmaalka lacagta in Bankiga Puntland uu diiday Sarrifka iyo socod-siinta Shilinka Soomaaliga taas oo iyaga saameyn weyn ku yeelatay.

Inta badan Xarumaha Ganaciga Suuqa Magaalada Garoowe iyo Dukaamada ku yaalla Xaafadaha ayaa Maanta aan lag isticmaaleyn lacagta Shillinka Soomaaliga, iyada oo wax lagu kaal iibsanayao Lacagta Dollarka..

Dadka danyarta ah ee ku nool Magaalada Garoowe ayaa waxaa ay Warbaahinta u sheegeen in ay saameyn ballaaran ku yeelatay diidmada lacagta Shillinka Soomaaliga, iyaga oo sheegay in aysan wax ku iibsn Karin lacagta dolarka.

Magaalada Garoowe iyo degaannada kale ee Puntland ayaa waxaa horay uga dhacay dibadbaxyo looga soo horjeeday diidmada isticmaalka lacagta Shillinka Soomaaliga, iyada oo xukuumadda Puntland ay ku guul dareysatay waxka qabashada diidmada lacagta Shillinka Soomaaliga.

Related Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

%d bloggers like this: