WARAR

Dowladda Soomaaliya oo War kasoo saartay howlgal laga fuliyay Shabeellaha Hoose

Howlgal qorsheeysan ayay Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee kumaandooska xoogga dalka Soomaaliyeed kasameeyeen degaan 18 km ujira degaanka toora tooroow ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgalka ayaa saraakiisha hoggaamineysay waxaa ay sheegeen in Ciidanka kumaandooska ku bur-buriyeen gaari waxyaabaha qarxa ay ku diyaarinayeen Al-Shabaab kaasi oo ay doonayeen inay weerar qorsheysan ku fuliyaan.

Taliyaha Guutada 16-aad kumaandooska xoogga dalka ee DANAB  Gaashaanle Axmed Cabdulaahi Nuur Beeryare ayaa sheegay in sidoo kale ciidanka gaarka ah  ee kumaandooska xoogga dalka DANAB ayaa nolosha ku qabteen Sadex Xubnoo oo gaariga qaraxa ku diyaarinayay.

Taliyaha ayaa tilmaamay in ujeedka howlgalka qorsheeysan uu ahaa kadib markii ay kawarheleen in Al-Shabaab ay gaari ku diyaarinayaan waxyaabaha qarxa kaasi oo ay doonayeen inay ku dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn Taliyaha waxaa uu sheegay in Ciidanka xoogga dalka ay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ilaa iyo inta ay ka saarayaan degaannada ay maamulaan.

Ciidamada Kumaansooka DANAB ayaa waxaa ay howlgallo kala duwan ka sameeyaan degaano iyo degmooyin ka tirsan Shabeellooyinka iyo Jubbada Hoose, iyada oo howlgalladaas ay Saraakiisha Ciidamada sheegaan in lagu dilo Saraakiil & Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Related Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

%d bloggers like this: