WARAR

Guddigga KMG ah ee Rugta Ganacsiga & Warshadaha oo War soo saaray

Guddiga kumeel gaarka ah ee uu Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Xukuumadda Soomaaliya Khaliif Cabdi Cumar uu magacaabay sii waddi doona howlihii rugta Ganacisga iyo Warshadaha ayaa sirasmi ah u shaaciyay inay shaqadooda bilaabeen.

Kadib shir ay yeesheen qoraal ay kasoo saareen ayaa waxaa ay ku sheegeen in ay ka wada hadleen sidii loo dardar gelin lahaa Shaqada loo igmaday iyo waajibaadka saaran.

Sidoo kale qoraalkooda waxaa ay ku sheegeen nay ka hadleen sidii loo soo dhisi lahaa nidaam iyo maamul hufan oo ay yeelato Rugta ganacsiga & Warshadaha Soomaaliyeed, iyada oo laga wada qeyb-gelinayo taladeeda dhamaan Ganacsatada Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan.

Hoos Ka Akhriso qoraalka ay soo saareen  Guddiga kumeel gaarka ah ee rugta Ganacsiga & Warshadaha Soomaaliyeed.

Related Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

%d bloggers like this: