Monday, August 15, 2022
HomeUncategorisedHowlgal dad farabadan lagu qabqbatay oo laga sameeyay Boosaaso

Howlgal dad farabadan lagu qabqbatay oo laga sameeyay Boosaaso

Howgalka oo uu hoggaaminayay Taliyaha Ciidamada Booliska Gobalka Bari oo ay qeyb ka ahaayeen Ciidamada Madaxtooyada Puntland Ayaa  laga sameeyay Magaalada Boosaaso kaas oo Ku aadanaa Xaqiijinta Amniga Gobalka Bari.

Howgalada laga sameeyay Bosaaso ayaa qaatay in ku dhow sagaal sacadood waxana laga sameeyay Bartamaha laamiga Boosaaso Xaafadaha qaar iyo Hoteelada, iyadoo ay jiraan in Ciidamada ay soo qabteen dad inta uu howgalka socday balse lagu sameen doono Baaritaano kala duwan.

Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa sheegay in ay owlgalalda sii socon doonaan ilaa ammaanka laga xaqiijinayo, isaga oo bulshada ugu baaqay inay Ciidamada la Shaqeeyaan.

Howlgalkan laga sameeyay magaalada Boosaaso ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli Magaalada lagu dilay Haweeneey la sheegay inay Ganacsatao aheyd, iyada oo dadkii ka dambeeyay dilkaasi ay goobta ka baxsadee.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments