
Madaxweynaha Puntland oo Maamul KMG ah u Magacaabay Gaalkacyo
Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr – 02, ku magacaabay Guddoomiye iyo Guddoomiye ku-xigeenka Degmada Gaalkacyo .
Madaxweynaha Maamulka Puntland
Markuu arkay: Dastuurka Puntland qodobkiisa 80-aad
Markuu arkay: aqoontooda iyo waayo aragnimadooda shaqo
Markuu tixgeliyey: talo soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuquraadiyeynta Puntland
Wuxuu xeeriyey :-
- Waxaa Maxamuud Cabdinuur Aadan loo magacaabay Guddoomiye kumeel-gaar ah ee Degmada Gaalkacyo
- Waxaa Shaafici Cabdullaahi Xaashi loo magacaabay Guddoomiye Ku-xigeen kumeel-gaarka ah ee Degmada Gaalkacyo
- Xeerkan wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay, waxaana uu ka dambeeyay markii Madaxweyne Deni uu kala diray golihii degaanka degmada Gaalkacyo.