DOWLADA NETHERLANDS OO DHACD
Dowlada uu hogaamiyo ra’iisal wasaare Mark Rutte ee dalka Netherlands ayaa is casishay, ka dib markii tobanaan kun oo qoys si qaldan loogu eedeeyey inay qiyaameeyeen lacagaha caruurta loogu talagalay, laguna qasbay inay dib u bixiyaan.
Ra’ iisal wasaaraha oo goor dhow warbaainta la hadlay ayaa qiray in qalad uu dhacay, dhibaatana loo geystay qoysas badan, sidaas awogeedna ay dowladiisu dhacday.
Dad badan oo waxyeelada ay ka soo gaartay waaxda canshuuraha dalka, ayaa loo dhibaateeyey maadaama ay ajaanib ku yihiin Netherlands.
Rutte aya iscasilaada golahiisa wasiirada u gudbiyey boqorka Netherlands.
“Dad aan waxba galabsan ayaa dembiilayaal laga dhigay, noloshoodana la burburiyey.”ayuu warbaahinta u sheegay Rutte, isagoo intaa ku daray in masuuliyadaasi ay dusha ka saarneyn dowladiisa.
Ilaa inta laga gaarayo doorasooyinka Netherlands March 2021 , waxaa howsha sii wadaysa dowlada maanta iscasishay.