WARAR

Ciidamada Dowladda & kuwa Jubbaland oo howlgal wadajir ah fuliyay

Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya oo kaashanaya kuwa jubbaland ayaa howlgallo ka dhan ah Al-Shabab waxa ay ka sameeyeen Deegaano Hoostaga Degmada Jamaame ee gobolka Jubada Hoose.

Howlgalka oo lagu xaqiijinayay amniga deeganada hoostaga degmada jamaame ayaa waxaa Ciidamada ay sigaar ah uga sameeyeen degaannada, Koban, Bangiini iyo Araare, halkaas oo mararka qaar lagu arko Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Taliyaha ururka 56aa guutada 11aad qaybta 43aad ee xoogga dalka oo howlgalkaan markii uu soo gaba gaboobay lahadlay warbaahinta ayaa Waxa uu sheegay in 9 howlgal ay sameeyeen ayna kusoo qabteen xubno katirsan Al-Shabaab.

Waxaa uu sheegay in howlgalka uu sii socon doono ilaa ay inta Ciidamada dowladda ay kala wareegayaan Al-Shabaab degmada Jamaame ee Gobolka Jubbada Hoose.

Related Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

%d bloggers like this: