Guddoomiyaha Ismaamulka Mandheera ee dalka Kenya Cali Ibraahim Roba, ayaa sheegay in uusan ka sii aamusi karin dhaqdhaqaaqyada Al-Shabaab ka wadaan deegaankiisa, isla markaana ay sababtay dhibaatadaas in ay xiran yihiin 295 dugsi hoose muddo 129 Maalmood ah, cabsi Ammaan dartood, sidoo kalena Goobaha Ganacsiga gaarka loo leeyahay qaarkood ay xiran yihiin.
Guddiga adeega macalimiinta ee shaqaaleeya isla markaana geeya macalimiinta ayaa dib ugala noqdey Gobolka Mandheera xaalad amni daro awgeed. Maalintii Isniinta ayay ahayd markii dagaalyahano ka tirsan Al-Shabab ay weerareen bas ku sugnaa magaalada Mandheera ayna ka afduubeen seddex qof sida ay sheegeen saraakiisha amaanka ee dowlada.