Madaxweynaha DG Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen iyo xubno katirsan Maamulkiisa ayaa lagu wadaa in ay maanta tagaan Degmada Xuddur oo xarun u ah Gobolka Bakool, kadib Cabasho ka timid shacabka oo sheegay in ay la dhibtoodeen go’doonka saaran ku dhawaad 10-ka sano.
Ilo xog ogaal ah ayaa Mustaqbal u sheegay in Madaxweyne Lafta gareen in uu horudhac u yahay wafdi ka socda Hay’adaha Samafalka oo qiimeyn ku sameynaya xaaladda Degmada Xuddur & Degmooyinka kale ee Gobolka Bakool oo laga soo warriyay in qiimo koror ku yimid qiimaha Maciishadda.
Shacabka ayaa DG Koofur Galbeed ku eedeeyay in uu jiro gaabis la xiriira wax ka qabashada isu furidda waddooyinka Degmooyinka oo ay isaga kala gudbaan Gaadiidka Badeecadaha geeya si aysan isu bedelin Nolosha & qiimaha ay wax ku iibsadaan.
Xildhibaanno & Senataro katirsan Baarlamaanka Federaalka oo Deegaan Doorashadoodu tahay Koofur Galbeed gaar ahaan Gobolka Bakool ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay qaaday Ciidamadii ammaanka sugayay isla markaana ay geysay Gobolka Gedo, taasina ay sababtay culeys Al-Shabaab ay saartay Gobolka.
Qaybaha kala duwan ee Dadka kunool Degmada Xuddur ayaa maalin kahor sameeyay dibadbax ay ku dalbadeen in Madaxda DFS, DG Koofur Galbeed & Cid waliba oo gacan ka geysan karta ka qaadista go’doonka saaran in ay wax ka qabato.