Monday, June 27, 2022
HomeUncategorisedRW Rooble oo Madaxda Wasaaradda Caafimaadka faray dardar gelinta.

RW Rooble oo Madaxda Wasaaradda Caafimaadka faray dardar gelinta.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Maxamed Xuseen Rooble ayaa Maanta Booqasho ku tegay Xarunta dhexe ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshadda.

Wasiirka Wasaaradda Caafimadka  Dr. Fowsiya Abiikar Nuur, Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Caafmaadka Dr. Axmed Macalim Xussen, Agaasimayaasha iyo dhamaan Shaqaalaha Wasaaradda ayaa si wadajir u ah usoo dhaweeyay Ra’iisal Wasaaraha.

Ra’iisul Wasaare Eng . Maxamed Xuseen Rooble ayaa mid mid u booqday xafiisyada ay shaqaalaha Waasaaradda ku shaqeeyaan isagoo bogaadiyay Shaqada ay u hayaan Ummadda Soomaaliyeed iyo Dhabar adeygii ay muujiyeen ee la dagaalanka caabuqa Covid19 iyo joogteynta Adeegyada Guud ee Caafimadka bulshada.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu dambeyntii ku dhiiri galiyay shaqaalaha iyo Madaxada wasaaradda inay sii laba jibbaaraan shaqada ay u hayaan bulshada Soomaaliyeed.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments