WARAR

Dowladda oo sheegtay in la burburiyay Goob ay waxyaabo qarxa ku diyaarinayeen Al-Shabaab

Taliyaha qeybta 27aad ee xoogga Dalka Jeneraal Maxamed Axmed (Tareedisho) ayaa sheegay in howlgal qorsheysan oo ay fuliyeen guutada 3aad ururka 19aad ee ciidanka xoogga dalka lagu bur buriyay goobo ay  Al-Shabaab ku diyaarinayeen waxyaabaha qarxa.

Jeneraal Maxamed Axmed Tareedishe oo la hadlay Idaacadda Ciidamadda Qalabka Sida ayaa tilmaamay in howlgalka laga fuliyay degaanno hoostaga degmada Balcad, ee gobolka Shabeellaha dhexe, isla markaana ay dileen Saraakiil iyo Xubmo ka tirsan Al-Shabaab.

“Xalay waxaa ka loo ay ciidanka fuliyeen howlgal ay ka sameeyeen degaan 8 Km u jirta degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaasi oo ay ku dileen Saraakiil iyo dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab, waxaana laga soo qabtay waxyaabaha qarxa oo ay doonayeen inay ku dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed”. Ayuu yiri Taliye Tareedisho.

Taliyaha qeybta 27aadXoogga Dalka ayaa xusay in la joogteyn doono howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab ilaa inta laga saarayo degaannada ay Maamulaan.

Howlgalkaan laga sameeyay degaano hoostaga degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli Ciidamada ay howlgal ka sameeyeen xaafadaha Jowhar, halkaas oo la filayo inay ka dhacaan doorashooyinka Xildhibaannada labada Aqal.

Related Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

%d bloggers like this: