Saturday, June 25, 2022
HomeUncategorisedWeerar lagu qaaday Kolonyo uu la socday Guddoomiyaha Shabeellaha Hoose

Weerar lagu qaaday Kolonyo uu la socday Guddoomiyaha Shabeellaha Hoose

Warar dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan weerar qarax loo adeegsaday oo lagu qaaday Kolonyo Gaadiid ah oo ay la socdeen Guddoomiyaha Cusub ee Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose Cabduqaadir Maxamed Nuur Sidii iyo Saraakiil kale.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha oo ay wehlinayeen Saraakiil isugu jira kuwa Millateriga Soomaaliya, kuwa Bangaraafta iyo Saraakiil Mareykan ah ayaa waxaa qarax miino lala beegsaday  xilli ay marayeen deegaanka Tixsiile oo u dhow Tuulada Warmaxan oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose, iyaga oo ku wajahnaa degmada Walanweyn oo ay Colaad Beeleedyo kajiraan.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay ku warameen in ay maqlayeen dhawaqa qaraxa iyo dagaal kooban oo dhexmaray Ciidamada iyo Saraakiisha la socday Guddoomiyaha Shabeellaha Hoose iyo dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Wararka horudhaca ah ee la helay ayaa waxaa ay sheegayaan in weerarkaas uu ku dhintay hal Cadaan ah laba kalena ay ku dhaawacmeen halka sidoo kale ay ku dhaawacmeen Taliyaha Guutada lixaad ee Ciidanka Millateriga iyo Taliyaha Ciidanka DANAB ee  Mareykanka uu tababaray, kuwaas oo Saldhig weyn ku leh Garoonka Balli-doogle.

Guddoomiyaha Cusub ee Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose Cabduqaadir Maxamed Nuur Sidii iyo Saraakiisha Ciidamada Dowladda weli kama hadlin weerarkaasi lagu qaaday Kolonyada ay la socdeen.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments