Tuesday, June 28, 2022
HomeUncategorisedHilib Yari ka jirta Magaalada Jigjiga & sababta oo la cadeeyay

Hilib Yari ka jirta Magaalada Jigjiga & sababta oo la cadeeyay

Wararka aan ka helayno magaalada Jigjiga ee dowlad degaanka Soomaalida ayaa sheegaya in hilibka xoolaha gaar ahaan hilibka geela oo aad ugu yaraaday magaaladaas.

Xoolo kala duwan oo isugu jira geel, lo’ iyo ari ayaa intaba lagu qalaa magaalada sidaas oo ay tahayna waxaa shacabka magaalada ka cabanayaa hilib yari muddo soo jiitamaysay.

Arrintan ayaa loo sababaynayaa tirada dadka magaalada ku dhaqan oo korortay iyo walaaca laga qabo xerada xoolaha lagu qalo oo dhowaan ay fadeexad ka dhacday,

Mareeyaha guud ee maamulka magaalada Shaafi Axmed Macallin oo la hadlay BBC-da waxaa uu sheegay inay isbedel ku sameeyeen sida Geella loogu qaali Xerada Weyn ee Magaalada Jigjiga..

Labadii maalmood ee la soo dhaafay ayaa waxaa aad looga dareemay Hilib yarida Magaalada Jigjiga, iyada inta yar ee la qalo uu aad qaali u noqday.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments