WARAR

Al-Shabaab oo sheegtay inay la wareegeen degaan ay baneeyeen Ciidmada AMISOM

Ciidamo la tirsan kuwa Uganda ee ku howlgalla Magaca AMISOM  ayaa waaberigii hore ee saaka waxaa ay isaga baxeen degaan ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose,  waxaana la sheegay inay la wareegeen Al-Shabaab.

Degaanka ay Ciidamada AMISOM isaga baxeen ayaa waxaa lagu Magacaabaa Mashallaaye, waxaana uu ku yaal inta u dhaxeysa degmooyinka Qoryooleey iyo Buulo-Mareer ee Gobolkaasi Shabeellaha Hoose.

Al-Shabaab ayaa warar ay ku qoreen Baraha ay ku leeyihiin Internet-ka waxaa ay ku sheegeen inay si nabad ah kula wareegeen degaanka Mashallaaye, kadib markii ay isaga baxeen Ciidamada AMISOM.

Wararka la helay ayaa waxaa ay sheegayaan in ka hor inta aysan degaanka tegin Al-Shabaab ay dadka degaanka ku qamaameen Xeradii ay ka baxeen Ciidmada AMISOM, iyaga oo ka qaatay qalab ay uga tagee.n

Ciidmada AMISOM ayaa muddo ka badan Lix Sano waxaa ay gacanta ku hayeen degaanka Mashallaaye ee Gobolka Shabeellaha Hoose, iyaga oo mararka qaar weeraro kala kulmi jiray Al-Shabaab

Related Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

%d bloggers like this: