Monday, June 27, 2022
HomeUncategorisedDowladda Sweden oo kordhineysa taageerada ay siiso Dowladda Soomaaliya

Dowladda Sweden oo kordhineysa taageerada ay siiso Dowladda Soomaaliya

Guddoomiyaha gobolka Banaadir mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filiah) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiir ku xigeenka dowladda Swedan u fadhiya Soomaaliya Petra Smitmanis Dry.

Labada masuul ayaa kulankooda uga hadlay kaalinta ay dowlada Swedan ku leedahay dib-udhiska dalka, amniga, taageerida bulshada Soomaaliyeed taas oo qeyb weyn ka ah hormarka dalka  gaara ahaan gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha gobalka ayaa uga mahadceliayay danjire ku xigeenka Sweden tababarada ay siiyaan shaqaalaha dowladda hoose ee Xamar  iyo sidii loo dardar galin lahaa Mataaneenta labada magaalo èe Muqdisho iyo Gothenburg.

Safiir ku xigeenka Safaaradda Swedan ee Soomaaliya ayaa ballan qaaday in ay kordhin doonaan taageerada ay siiyaan shacabka gobolka Banaadir, isagoo ku amaanay masuuliyiinta maamulka gobalka Banaadir howlaha ay u hayaan bulshada caasimadd.

Gabogabadii kullankaan ayaa kusoo idlaaday is af-garad iyo dhammaan qodobada la isla soo hadal qaaday, sida uu baahiyay Maamulka Gobolka Banaadir.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments