Monday, May 29, 2023
HomeUncategorisedBooliska Gaalkacyo oo rasaas ku kala Eryay banaanbaxayaal.

Booliska Gaalkacyo oo rasaas ku kala Eryay banaanbaxayaal.

Magaalada Gaalkacyo gaar ahaan Koonfurta Magaaladaas waxaa Maanta ka dhacay banaanbax ay dhigayeen qaar kamid ah Bulshada ku nool Magaalada, hayeeshee Ciidamo Boolis ah ayaa rasaas ku kala eryey banaanbaxayaasha.

Dadka banaanbaxa dhigayay oo u badnaa Hooyooyin sheegay in Carruutooda Dowladda Soomaaliya ay tababar Ciidanimo ugu qaaday dalka Ereteriya, iyaga oo sheegay in Carruurtooda ay nolol iyo geeri midna ku aheyn.

Banaanbaxayaasha ayaa taayaro ku gubay laamiga Magalada Gaalkacyo,  iyaga oo ka dalbaday Madaxda Dowladda iyo Madaxda Dowlad Goboleedka Galmudug inay Carruurtooda e tababarka loo qaaday ay meel ku sheegaan.

Intii uu socday banaannaxa ayaa waxaa goobta tegay Ciidamo ka tirsan Booliska Galmudug, kuwaas oo rasaas ku kala Eryay Hooyooyinkii dibadbaxa dhigayay.

Banaanbaxaan Maanta ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli uu halkaasi ku sugan yahay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor.

   

Banaanbaxa Maant ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli uu Magaalada ku sugan yahay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments