WARAR

Madaxda Dowlad Goboleedyada oo kulan gaar ah yeelanaya

Kulan saacado badan qaataya ayay Madaxda Shanta Maamul goboleed ku yeesheen khadka taleefoonka, iyaga oo ka wada hadlay sidii xal looga gaari lahaa Arrimaha muranka ee la xiriira doorashooyinka.

Wararka horudhaca ah ee kulankaasi laga helay ayaa waxaa ay sheegayaan in Madaxda Dowlad goboleedyada ay muujiyeen xoogaa isku soo dhawaansho ah maadaama ay ku kala ragti duwanaayeen Arrimaha doorasooyinka dalka.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in dhamaadka Bishaan inay shir isugu yimaadaan, waxaana ay u badan tahay in shirka ka dhaco Baydhabo, inkastoo aan weli la isku raacin goobta.

Madaxweynaha dowlad goboleedka koonfur Galbeed oo qaatay dooriisa ku aadan dhex-dhexaadinta ama sidii xal looga gaari lahaa khilaafka doorashooyinka ayaa isku keenay Madaxda Dowlad goboleedyada, halka Xubno uu horkacayo Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Amb, Jemis Swan ay dhankooda wadaan dadaalo ku aadan sidii xal loogu heli lahaa muranka doorashooyinka

Related Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

%d bloggers like this: