Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Qaraanka Mudane Amb: Jamaal Maxamed Xasan oo maanta xarunta dhexe ee wasaaradda kulan kula qaatay xubano ka socday xafiiska QM-ka ee Soomaaliya oo uu hoggaaminayay ku-xigeenka wakiilka QM-Soomaaliya Mr: Adam Abdelmoula, ayaa looga hadlay dar-dar galinta shaqooyinka arrimaha bani’aadinimada, horumarinta dhinacyada arrrimaha bulshada iyo deggaanka.
Kulanka waxaa uu ahmiyad gaar ah siinayaa howlgalinta qaab-dhismeedka xafiiska Qaramada Midoobe ee Soomaaliya, kaas oo dar-dar galinaya howlaha baaxadda leh ee ku cad Qorshaha Hourmarinta Qaranka iyo Istaraatijayada UN-Soomaaliya 2021-2025.
Sidoo kale waxaa la is la gartay in la xoojiyo arrimaha bani’aadinimo ee haatan taagan, sida in xarunta ka jawaab celinta dhibaatooyinka in ay si buuxda u shaqeyso, iyo xoojinta adeegyada nidaamka dalka.
Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maal-gashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Amb: Jamaal Maxamed Xasan ayaa tilmaamay in ay qeyb ka noqoto xafiiska UN-ka ee Soomaaliya isku-duwida ay hoggaanka u tahay dowladda (Government led-Coordination).
Waxaa Wasiirka ku wehliyay shirka qaar ka mid ah madaxda Wasaaradda Qorsheynta iyada oo kullanka la isku raacay in la xoojiyo horumairnta arrimaha kor lagu xusay.