Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay lumisay kalsoonidii ay ku qabteen Ciidanka dowladda Kenya ee ku sugan Soomaaliya , kuwaasoo qeyb ka ah ciidamo Afrikaan ah oo dagaal kula jirta Ururka Al-Shabab.
Dowladda Soomaaliya waxa ay tilmaamtay in aysan aqbali doonin lasii shaqeynta Ciidanka Kenya oo ay sheegtay in ay si cad uga soo horjeedaan nabadda Soomaaliya ayna hareermareen hanaankii raadinta
Wasaaradda Arrimaha dibada Soomaaliya ayaa sheegtay in ay sii wadi doonto dadaallada looga soo horjeedo Ciidanka Kenya oo ay sheegtay in ay si gaar ah u taageeraan maamul goboleedka Jubbaland.
Waxaa sidoo kale ay urur goboleedka IGAD ugu baaqday in ay joojiso warbixinada macnadarada ah ee aan xaqiiqda ku dhisneyn.
“Ugu dambeyntiina, Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay sii wadi doontaa difaacidda xuduudaheeda, iyadoo si walba oo ay tahay loogu baahan yahay isla markaana aan u dulqaadan doonin iskudayo lagu carqaladeynayo dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah Federaalka. Isla mar ahaantaana, Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay sii wadi doontaa xakamaynta weyn, waxay ugu baaqeysaa IGAD inay joojiso warbixintan macno darrada ah, isla markaana ay u xilsaarto guddi xaqiiqo raadis caalami ah. Jamhuuriyadda federaalka ee Soomaaliya waxay xaq u leedahay in ay raadiso xuquuq iyada oo loo marayo qaab diblomaasiyadeed iyada oo loo sii marayo Midowga Afrika iyo haddii loo baahdo Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay”