Monday, May 29, 2023
HomeUncategorisedMaamulka Gobolka Banaadir oo la wareegay Adeegyada Caafimaadka Gobolka

Maamulka Gobolka Banaadir oo la wareegay Adeegyada Caafimaadka Gobolka

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Maanta kulan la qaatay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka JFS. Dr. Fowsiya Abiikar Nuur.

Kulanka labada masuul ayaa diirada lagu saaray sida ugu dhaqsiyaha badan ee Maamulka Gobolka Banaadir kula wareegi lahaa Adeegyada Caafimaad ee ay hadda bixiso Wasaaradda Caafimaadka.

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa wado qorshe ay maamulada dalka ugu daadejineyso adeegyada caafimaadka ee ay shacabka u baahan yihiin.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments