Tuesday, June 28, 2022
HomeUncategorisedQaban-qaabada Shirka DFS & dowlad Goboleedyada oo ka socota Dhuusamareeb

Qaban-qaabada Shirka DFS & dowlad Goboleedyada oo ka socota Dhuusamareeb

Magaalada dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmuug waxaa ka socanaya Qaban qaabada iyo diyaar garowga Shirka Wadatashiga Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada.

Amniga magaalada ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoona sugida amniga ay iska kaashanayaan laamaha amniga Galmudug iyo kuwa dowladda Federaalka.

Shacabka iyo Maamulka Galmudug oo isku duuban ayaa u diyaar garoobay sidiii shirkaas si habsami ah ugu dhici lahaa magaalada.

Shirkan wadatashiga ah oo socon doona inta u dhaxaysa 1-da ilaa 3-da bisha Febraayo 2021 ayaa waxaa intiisa badan saldhig u ah heshiiskii 17-ka Sebteembar 2020 laga gaaray hannaanka doorashooyinka.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shirkaasi dhawaan iclaamiyay, kadib kulan uu Xarunta Madaxtooyada kula qaatay wakiilo ka socday Xubnaha Beesha Caalamka ee taageerada siiya Soomaaliya.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments