Monday, June 27, 2022
HomeUncategorisedQaramada Midoobey oo si adag uga hadashay qaraxii hoteel Afriik

Qaramada Midoobey oo si adag uga hadashay qaraxii hoteel Afriik

Bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay si adag u cambaareynayaan weerarkii   lagu qaaday Hotel Afrik oo ay dad badani ku dhinteen ama ku dhaawacmeen.

“Waan ka naxnay weerarkan foosha xun ee damiil la’aanta ah ee lagu qaaday goob ay si joogto ah u booqdaan dad rayid ah oo aan waxba galabsan, waxaana u cambaareyneynaa sida ugu adag” ayuu yiri Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan.

Sida ay wararku sheegayaan,Al-Shabaab ayaa weerartay Hotel Afrik oo ku yaal magaalada Muqdisho gelinkii dambe ee maalintii Axadda, waxayna muddo saacado ah heysteen [ka dhex dagaallamayeen] goobtaas, ka-hor intii aanay ciidamada amniga Soomaaliyeed kasoo af-jarin.

Bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay tacsi u dirayaan qoysaska dadkii ku dhintay, waxayna u rajaynayaan dadkii ku dhaawacmay kabasho degdeg ah.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments