Monday, May 29, 2023
HomeUncategorisedCiidamo farabadan oo lagu daadiyay Magaalooyin ka tirsan Puntland

Ciidamo farabadan oo lagu daadiyay Magaalooyin ka tirsan Puntland

Ciidamada Ammaanka dowlad Goboleedka Puntland ayaa bilaabay qorsho ay ku dhaqan gelinayaan isticmaalka lacagta Shillin Soomaliga, sidoo kalena ay tallaabo uga qaadayaan dadka diidan isticmaalkeeda.

Magaalooyin kamid ah Puntland ayaa waxaa la geeyay Ciidamo farabadan, kuwaas oo baaraya dadka diidan isticmaalka lacagta shillin Soomaaliga, iyaga oo qaarkood wata lacagta si ay u ugaadaan dadka diidan.

Saraakiisha kala duwan ee Ciidamada puntland ayaa amar ku bixiyay in tallaabo sharci ah laga qaado dadka diidan isticmaalka iyo socod-siinta Shilin Soomaaliga, kuwaas oo u badan Ganacsato.

Magaalooyin ka tirsan puntland ayaa waxaa weli laga diidan yahay isticmaalka lacagta Shillin Soomaaliga, waxaana jira Guddi loo xil saaray socod-siinta lacagta kuwaas oo wada qorshooyin kala duwan.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments