Monday, May 29, 2023
HomeUncategorisedDagaal ka dhacay Shabeellaha Hoose & faah faahin laga helayo

Dagaal ka dhacay Shabeellaha Hoose & faah faahin laga helayo

Dagaalkan oo geystay khasaaro kala duwan ayaa waxaa uu xalay ka dhacay degmada Buulo-mareer ee Gobolka Shabeellaha hoose, waxana uu u dhaxeeyay Ciidamada Uganda oo ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM & Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig Ciidamada Uganda oo ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ku leeyihiin degmada Buulo-Mareer ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Dadka degmada  Buulo-Mareer ayaa waxaa ay sheegeen inay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen labada dhinac, hayeeshee aysan xaqiijin Karin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay maadaama xilli habeen ah uu dhacay dagaalka.

Waxaa jira khasaaro labada dhinac kasoo gaaray dagaalka, balse laamaha amniga degmada Buulo-Mareer iyo Saraakiisha Ciidamada Uganda weli kama hadlin dagaalka ka dhacay degmadaasi Buulo-Mareer.

Wararkii ugu dambeeyay ee saaka naga soo gaaraya Buulo-Mareer ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in xaalada ay tahay mid degan, isla markaana isku socodka dadka iyo Ganacsiga ay si caadi ah u Shaqeeynayaan.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments