Thursday, August 11, 2022
HomeUncategorisedGuddiga kheyraadka ee BF oo diiday xil ka qaadistii guddoomiye Ibraahim Cali

Guddiga kheyraadka ee BF oo diiday xil ka qaadistii guddoomiye Ibraahim Cali

Guddiga kheyraadka ee golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya oo war-saxaafadeed soo saaray ayaa sharic darro ku tilmaamay xilka qaadistii lagu sameeyay guddoomiyaha hay’adda batroolka Soomaaliya Ibraahim Cali Xuseen, kaas oo xilka looga qaaday kulan ay isugu yimaadeen golaha wasiirrada xukuumadda Soomaaliya.

Guddiga ayaa qoraalkan Ra’iisul wasaare Rooble uga dalbaday in arrintaan uu dib ugu noqdo, maadaama xilka guddoomiyaha looga qaaday shirka golaha wasiiirrada 21-kii bishii Janaayo, taas oo ay ku tilmaameen tallaabo sharci darro ah.

“Guddiga kheyraadka Dabiicigaa & Bii’ada ee baarlamaanka federaalka waxaa soo gaartay khilaaf xoog leh oo mudo ka dhexjiray hay’adda Betroolka Soomaaliya iyo Wasiirka Batroolka, kaas oo ku saabsanaa kala madaxbanaanshaha hay’adda iyo wasaaradda, taas oo gabagabadii sababtay in xilkii laga qaaday gudoomiyihii hay’adda, xubinimadii guddigana laga saaray si aan sharciga waafaqsaneen” ayaa lagu yiri qoraalka guddiga.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments