Wararka aan ka heleyno gobolka Shabeellada Hoose waxay sheegayaan in ciidanka xoogga dalka ay ku dileen dagaalamayaal badan oo ka tirsaa Al-Shabaab, kadib markii ay soo weerareen saldhig ay ciidamada dowladdu ku leeyihiin Bariire.
Saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan deegaanka Bariire ee gobolka Shabeellada Hoose ayaa sheegay inay ka war-heleen dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab oo weerar ku soo ah, isla markaana ay u diyaar garoobeen.
Ciidamada deganaa saldhigga Bariire oo ka tirsan Ururka 143-aad guutada 14-ka Oktoobar ee ciidanka xoogga dalka ayaa sii baacsaday dagaalamayaashii soo weeraray ee Al-Shabaab, waxayna saraakiisha ciidamadaas sheegeen in illaa 40 KM ay sii raacdeynayeen, isla maraana ay gaarsiiyey dhimasho iyo dhaawac badan.