Tuesday, June 28, 2022
HomeUncategorisedBeesha Caalamka oo ka hadashay Shirka Dhuusamareeb ka furmay

Beesha Caalamka oo ka hadashay Shirka Dhuusamareeb ka furmay

Beesha Caalamka ayaa soo dhoweysay wada hadalada socdo ee u dhaxeeya Madaxda dowladda Federaalka iyo Dowad Goboleedyada ee ka socda Dhuusamareeb.

Beesha Caalamka ayaa ka qeyb galayaasha inay sii wadaan wada xaajoodka.

Waxaa la joogaa xilligii la gaari lahaa is wada-ogol, si loo hirgeliyo heshiiskii 17 September ee doorashooyinka”ayaa lagu yiri Qoraal la soo dhigay Twitterka UNSOM.

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug ayaa waxaa Maanta oo arbaco ah ka furmay Shirka Wadatashiga Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, kaas oo tiro laba jeer ah furitankiisa uu dib u dhacay.

Shirka ayaa waxaa looga hadli doonaa xal ka gaarista muranka hareeyay heshiiskii doorashooyinka dalka ee la gaaray 17-kii Sebteembar ee 2020 iyo sidoo kale sidii loo xalin lahaa khilafka mudada jira ee u dhaxeeya Dowladda Federaalka & dowlad goboleedyada Puntland & Jubbaland.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments