Madaxwayna ku xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa rejo wanaagsan ka muujiyay shirka madaxda Dowladda Faderaalka Soomaaliya, Dowlad-goboleedyada iyo maamulka gobolka Banaadir uga furmay Dhuusamareeb kaas oo ay diiradda ku saarayaan xal u helida is-faham-waaga ka taagan doorashooyinka heer federaal ee 2020-21.
Madaxwayna ku xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid oo BBC u waramay ayaa sheegay in ilaa iyo haatan uu shirka si habsami leh uu u socdo, isaga oo intaa ku daray in ay jiraan qodobo is-faham laga gaaray.
Mr Ciid ayaa carabka ku dhuftay in qodobka soo xulidda xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliland ilaa iyo hada is faham laga gaaray.
” Qodobkii ugu horreyay oo ah dhanka Soomaliland inta aan ogahay is-faham aad u ballaaran ayaa laga gaaray Waxna wayn ka dhiman yihiin”, ayuu tibaaxay Mr Ciid oo intaasi ku daray ku daray in wadaxaajoodka qodobka soo xullidda xubnaha baarlamanka Somaliland ay ku lug leeyihiin gudoomiyaha aqalka sare iyo Ra’iisul wasaare ku xigeenka.
” Waxaan kuu sheegi karaa oo kali ah in arrinta Somaliland meel fiican ay mareyso oo Isfahan u dhawdahay aadna dhinacyada isugu soo dhawaadeen rais’sul wasaara ku xigeenka iyo gudoomiyaha aqalka sarana-na ay ku lug leeyihiin oo ay ka qeyb qaadanayaan”, ayuu yiri Cali Daahir Ciid madaxweyne ku xigeenka Galmudug
“Qodobada kale wali waa lagu wada jiraan oo ku saabasn guddiga doorashada iyo waxa laga taataaban karo iyo arrinta Gedo oo u dambeysa, markaa ilaa iyo hadda si habsami leh ayuu shirkaasi u socdaa”, ayuu qeexay.
” Sida muuqata aad ayay isugu dhaw yihiin labada dhinac marka laga hadlayo guddiyada doorashada”, ayuu yiri Mr Ciid oo hadkiisa raaciyay “Qodobkaas wali lama guda galin, waxaana la guda galayaa maanta oo si fiican loo falanqeynayaa”.
Dhuusamareeb waxaa ku sugan madaxweynaha Dowladda Faderaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ,madaxda Dowlad-goboleedyada Puntland, Galmdug, Hirshabeelle, Koofur Galbeed, Jubbaland iyo gudoomiyaha gobolka Banaadir.