Monday, June 27, 2022
HomeUncategorisedSawirro: Galmudug Oo Faah Faahin Ka Bixisay Weerarkii Dhuusamareeb

Sawirro: Galmudug Oo Faah Faahin Ka Bixisay Weerarkii Dhuusamareeb

Wasiirka Amniga maamulka Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa ka warbixiyey madaafiic xalay lagu weeraray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka.

Fiqi ayaa sheegay in howlgal ay sameeyeen ciidamada ay ku dileen in ka badan 10 dagaalame oo ka tirsan Al-Shabaab

“Ciidanka Xoogga dalka ayaa howgal qorsheysan oo ay xalay ay fuliyeen waxa ay ku dileen illaa toban ka tirsan argagaxisada Alshabaab qaar kalana nolosha ayay kusoo qabteen”ayuu yiri Wasiirka Amniga Galmudug.

Wasiir Fiqi ayaa sidoo kale in gacanta lagu dhigay gaadiidkii ay wateen raggaas, hoobiye iyo hub fudud oo ay u adeegsanayeen weerarka.

Waa weerarkii labaad oo ay Al-Shabaab kusoo qaadeyso magaalada Dhuusamareeb oo uu weli ka socdo shirka wada-tashiga dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

cc-1 ee

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments