Wasiir ku xigeenka Wasaaradda warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Alcadaala ayaa maanta kulan kula qaatey gudaha Magaalada Cadaado Odayaasha Dhaqanka beesha Ree Xaaji Sulaymaan ee Cadaado jooga waxaana ku lanka looga hadlayey joojinta dagaalka Xananbuure ee Gobolka Galgaduud.
Kulanka Odayaasha Dhaqanka iyo wasiirka ayaa waxaa ku wehliyey qaar ka mid ah xildhibaanada Galmudug ee Cadaado laga soo doorto.