Monday, August 15, 2022
HomeUncategorisedXafiiska shaqaalaha iyo arimaha bulshada ee DDS ayaa qalabka dadka baahiyaha gaarka...

Xafiiska shaqaalaha iyo arimaha bulshada ee DDS ayaa qalabka dadka baahiyaha gaarka ku wareejiyay 11 gobol ee deegaanka

Xafiiska shaqaalaha iyo arimaha bulshada ee DDS ayaa qalabka dadka baahiyaha gaarka ku wareejiyay 11 gobol ee deegaanka.

Qalabkani ayaa ah mid loogu talagay inay isticmaalaan dadka Baahiyaha gaarka ah qaba ,waxaa gobolkasta lagu wareejiyay 10 xabo, kuwaasoo guud ahaan dhan 110 xabo .

wasiirka xafiiska shaqaalaha iyo arimaha bulshada ee DDS, maxamed faarax aya sheegay in qalabka uu door muhiima ka qaadanayo dadaalada loogu jiro sidii dadka baahiyaha gaarka qaba loo gaadhsiin lahaa qalabyada ay u baahanyihiin.

dhankooda maamulada gobolada ee qalabkan lagu wareejiyay ayaa sheegay inay mustaqbalka qorshaha ku darsan doonaan sidii qalabyada noocan ah loo gaadhsiin lahaa dadka baahiyaha gaarka ah qaba ee ku nool degmooyinka iyo tuulooyinka deegaanka .

Masuliyiinta xafiiska iyo maamulada gobolada deegaanka ayaa sidoo kale isla qaatay in la sameeyo darsaad lagu ogaanayo tirada dadka baahiyaha gaarka ah qaba ee ku nool degmooyinka iyo tuulooyinka si loo helo xog dhamaystiran oo laga duulo iyo sidoo kale sidii loo samayn lahaa qorshe midaysan.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments