Tuesday, June 28, 2022
HomeUncategorisedGuddoomiyaha Gobolka Banaadir oo dib ugu soo laabtay Muqdisho

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo dib ugu soo laabtay Muqdisho

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filisha) ayaa Maanta dib ugu soo labtay Magaalada Muqdisho, iyada oo la soo dhaweeyay.

Guddoomiyaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyay Guddoomiye kuxigeenka Amniga & siyaasadda gobolka Banaadir Cali Maxamed Warsheere & xubno kale oo ka tirsan Maamulka Gobolka.

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayuu guddoomiye Cumar Filish waxaa uu uga qeyb-galay shirka Wadatashiga Maamul goboledyada Dalka iyo Gobolka Banaadir.

Shirkii Magaalada Dhuusamareeb ee uu ka qeyb-galay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa xalay la soo geba-gabeeyay, iyada oo aan wax natiijo ah kasoo bixin.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments